R/W Khayrre oo markii ugu horeysay u safraya Dalka Imaaraadka Carabta.

khayre

Xasan Cali Khayrre Ra’iisal Wasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa lagu wadaa in dhawaan ay gaaraan magaalada Abuu Dubai ee dalka isu-tagga Imaaraadka Carabta sida ay noo xaqiijiyeen Xubno ka tirsan Xafiiska Ra’iisal Wasaaraha Soomaaliya.

Safarka Ra’iisal Wasaaraha oo noqonaya kii ugu horeeyay ayaa maalmihii la soo dhaafay aad looga hadal haayay magaalada Muqdisho, gaar ahaan Xafiisyada Dowladda waxaana la sheegay in ay ku wehlin doonaan xubno ka tirsan Xafiiskiisa iyo Golaha Wasiirada.

Khayrre ayaa Casuumaad ka helay Wasiirka Arimaha Dibadda ee Dalka Imaaraad Carabta markii ay ku kulmayn Shirkii ka dhacay Dalka Magaalada Davos ee dalka Switzerland waxa uuna aqbalay casuumadii loo sameeyay.

Wararka uu helayo gedo times ayaa sheegaya in uu jiro Guux siyaasadeed oo arintaan ka dhashay waxayna ku soo beegmaysaa xili uu wali taagan yahay xiisadii Wadamada Khaliijka.

Soomaaliya oo go’aan dhax dhaxaad ah ka qaadatay Arimaha khaliijka ayaa maalmihii la soo dhaafay ku jahwareersaneed kala jiidasho ay wadaan Dhinaca Siyaasadda ee Khaliijka.

Madaxweyne Farmaajo ayaa labo goor oo hore u booqday Imaaraadka Carabta, halkaasoo uu kula soo kulmay Madaxda iyo amiirada dalkaas maamula, waxayna ka wada hadlayn Arimo khuseeya Soomaaliya iyo Khaliijka Carabta .

Safarka Khayrre ayaa la sheegay in ay isku maandhaafayn xubno ka tirsan Madaxtooyada kaas oo maalmihii la soo dhaafay aad looga hadal haayo Muqdisho gaar ahaan fadhiyada siyaasiinta.

Xiriirka dowladda Federaalka iyo Imaaraadka Carabta ayaa calaamad su’aal ay dul saarneyd, tan iyo wixii ka dambeeyay markii Isbaheysiga Sacuudiga iyo Imaaraadka ay xiriirka u jareen Qatar, isla markaana dowladda Soomaaliya ay mowqif dhex dhexaad ka qaadatay, hase ahaatee Imaaraadka iyo Sacuudiga ay culeys ku saareen in xiriirka u jarto Qatar.

Sidoo kale Safarka ayaa la filayaa in uu ku soo aado waqti uu jiro tuhun laga qabo xogta ay Imaaraadka ka haayaan weerarkii lagu qaaday Senator Cabdi Xasan Cawaale Qaybdiid kaas oo dhacay 20-kii bishii December sanadkii 2017.

Si rasmi ah looma shaacin Xiliga uu safarka u baxayo Ra’iisal Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Khayrre, balse xubnaha aan la hadalnay ayaa noo sheegay in dhawaan ay ku beegan tahay

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.