Al-shabaab oo weeraray Saldhigyo ku yaala gobalka Shabeelaha Hoose.

Faah faahin dheeraad ah ayaa ka soo baxaya dagaal Ciidamada AMISOM iyo Al-shabaab ku dhax-maray deegaano ku yaalo gobalka Shabeelaha Hoose sida ay sheegeyn dadka deegaanka.

Dagaalka ayaa dhacay Labo waqti oo kala duwan waxaana lagu qaaday Saldhigyo Ciidamada AMSIOM ayaa ku leeyihiin Deegaanada No. 60 iyo deegaanka Danow ee gobalka Shabeelaha Hoose.

Weerarka 1-aad ayaa ka dhacay deegaanka No. 60 ee gobalka Shabeelaha Hoose saldhig ay daganaayeen Ciidamada AMISOM gaar ahaan kuwa ka socda Uganda, halka weerarka 2-aad ka dhacay deegaanka Danow ee gobalka Shabeelaha Hoose saakay Aroortii hore.

Dadka deegaanka ayaa sheegaya in aysan ogayn inta uu la egyahay Khasaaraha balse uu jiro dagaalka, kaas oo socday wax ku dhaw saacad waxaana uu ubadnaa madaafiic iyo dagaal culus oo waqti kooban qaatay.

Dhinaca kale Dagaalamayaasha Al-shabaab ayaa sheegtay in ay weerarka qaadayn kuna dilayn Ciidamo ka tirsan kuwa Uganda.

ma jirto cid ka madaxbanaan Al-shabaab oo xaqiijin karto dagaalkaasi uu leeyahay dhimasho iyo dhaawac

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.