Dhimasho Iyo Dhaawac Ka Dhashay Qarax Ciidamada Dowladda Lagula Eegtay Duleedka Muqdisho

Faah faahino dheeraad ah ayaa ka soo baxaya qarax khasaaro dhaliyay oo ciidamo ka tirsan kuwa dowladda Soomaaliya lagula eegtay duleedka Magaalada Muqdisho.

Qaraxaan ayaa ahaa miinada nooca dhulka lagu aaso ah waxaana la sheegay in lala eegtay Gaari nooca raaxada ah oo ay saarnaayeen ciidamo ka tirsan kuwa dowladda Soomaaliya oo uu sidoo kale la socday Gaari cabdi Bile ah.

Qof Goobjoogaha ah oo sababa amni darteed diiday in Magaciisa iyo codkiisa loo adeegsado qalabka Warbaahinta ayaa faah faahiyay khasaaraha ka dhashay qaraxaas.

“Goobta uu qaraxa ka dhacay waa tareedisho qaraxa markii aan maqalnay rasaas ay ciidamadu fureen,aniga waxan arkay dhimashada laba askari iyo laba dhaawac ah wax kale ma arkin kadib ciidamo kale oo gaari cabdi Bile ah watay ayaa ciidamadii saarnaa ay soo dageen dhalinyaro ay qabqabten xoogaa kadib weey soo daayeen weyna baxen hadana xaalada waa caadi ayuu yiro qof ka agdhawaa Goobta uu qaraxa ka dhacay”

Deegaanka tareedisho iyo deegaanada kale ee u dhaw dhaw dhowr mar ayaa gawaari ay la socden ciidamo ka tirsan kuwa dowladda Soomaaliya qarax lagula eegtay

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.