Wafti uu Hogaaminayo Wasiirka Wasaaradda Boostada iyo Isgaarsiinta Xukuumadda Soomaaliya oo ku wajahan Puntland.

Cabdi Canshur Xasan Wasiirka Wasaaradd Boostada iyo Isgaarsiinta Xukuumadda Soomaaliya wafti uu hogaaminayo  ayaa gor dhaweyd  ka ambabaxay Magaalada Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya waxaana ay ku sii jeedaan Magaalada Boosaaso ee Xarunta Gobolka Bari ee Puntland.

Wassirka oo lahadalay idaacadda Kulmiye ayaa sheegay in u jeedka socdaalkiisa uu yahay mid ku saabsan sidii loo hirgellin lahaa Sharci Boostada iyo Isgaarsiinta dalka Soomaaliya islamarkaana uu wada-tashiyo kuwaa oo uu la sameynayo Wasaaradaha Boostada iyo Isgaarsiinta Maamul Goboleedyada xubnaha ka ah Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Waxaana uu intaasi raaciyay in Boostadi dalka dib loo soo nooleynayo lagana bilaabayo Magaalooyinka Muqdisho iyo Garoowe.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.