Rag Loo Qabtay Dilka Kaaliyihii Maxkamada Degmada Walaweyn

Habeen ka hor degmada Walanweyn ee Gobolka Shabeellaha Hoose waxaa lagu dilay Kaaliyihii Maxkamada degmada Walweyn oo lagu Magacaabi jiray Maxamed Jacfar Axmed,waxaana soo baxaya Warar sheegaya in la qabtay dadkii dilay.

Warar aan helayno ayaa waxa ay sheegayaan in Maamulka degmada Walaweyn uu dabagal iyo baaritaano ku sameeyay si loo ogaado dadkii ka dambeeyay dilkaas,ugu dambeyna loo soo qabtay laba ruux.
Masuuliyiin ka tirsan Maamulka degmada Walaweyn ee Gobolka Shabeellaha Hoose iyo qaar ka mid ah dadka deegaanka ayaa waxa ay Dalsan u sheegeen in labada ruux ee la qabtay laga dabagalay taleefoon ay ka soo waceen Kaaliyaha ka hor dilka isla markaana la aqoonsaday.

In kastoo aan weli la cadeyn sababta loo dilay kaaliyihii degmada Walaweyn ayaa hadana Warar ay Dalsan heshay waxa ay sheegayaan in raggii loo qabtay dilkaas,mid ka mid ah ay la wareegeen ciidamo Cadaan ah si ay baaritaano dheeraad ah ugu sameeyaan.

Gudoomiye ku xigeenka Maamulka degmada Walaweyn ayaa habeenkii uu dilka dhacay waxa uu Radio Dalsan u sheegay in ay Magacaabeen Gudi ka Shaqeeya sidii lagu ogaan lahaa dadkii ka dambeeyay dilka Kaaliyihii Maxkamada degmada Walaweyn Maxamed Jacfar Axmed.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.