Axmed Madoobe oo amar kuxibiyey in Xildhibaan Axmed taajir Xilka Laga qaado iyo Xaalada Kismaayo oo qasan

axmed

Wararka ka imaanaya Magaalada Kismaayo ee Xarunta ku meel Gaarka ah ee Maamulka Jubbaland ayaa waxay sheegayaan Xildhibaanada Mooshinka  ka waday Axmed Madoobe Iyo Wasiiradahiisa ayaa waxay Maanta Kulan ay isugu imaan lahaayeen Horistaagay Madaxwaynaha jubbaland axmed Madoobe asagoo ku amray laamaha amaanka in laxiro Hotelka uu kulanka ka dhici lahaa qaar xildhibaanada kamida ahdhib loo gaystay.

Wararka ayaa intaas waxay ku darayaan in Xildhibaan Axmed Taajir gurigiisii ay ciidamada Ilaalada Axmed Madoobe baareen  warar aan laxaaqiijina ay sheegayaan in jir dil loo gaystay,  dhanka kale  Madaxwaynaha Jubbaland ayaa waxaa uu kasocday Gudoomiyaha Baarlamaanka Iyo Gudiga anshaxa barlamaanka  Jubbaland  in xilka laga qaado Xildhibaan Axmed Taajir.

Maalmo ka hor bay ahayd Markii xildhibanada Jubbaland ay  mooshin u gudbiyeen gudoomiyaha Baarlamaanka Jubbland Kaas oo ay ku sheegeen inay kalsoonida kala noqdeen Wasiirada Jubbaland.

juba juba

 

 

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.