Wasiirrada Caafimaadka Galmudug oo ka dayrisay Xaaladda Isbitaalka Cadaado

Wasiirka wasaarada Caafimaadka Galmudug Drs Naciimo Maxamed Maxmuud oo la hadashay Warbaahinta ayaa sheegtay in Isbitaalka guud ee Magaalada Cadaado uu yahay mid aan heysan agab ku filan.

Waxa ay sidoo kale sheegtay in xaalada Caafimaad ee qaar aysan dhaqaatirka Isbitaalka Maareyn Karin maadaama sida ay sheegtay aysan heysan qalab ku filan.

Waxa ay tilmaamtay in dhaawacyada qaar loo soo qaado Magaalada Muqdisho qaarkoodna ay dhex ku dhintaan.

Waxa ay dowladda dhexe iyo Hay’adaha ka shaqeeya Caafimaadka ka dalbatay in Wasaarada Caafimaadka Galmudug lagala shaqeeyo sidii loo hormarin lahaa isbitaalka guud ee Magaalada Cadaado.

Waxa ay xustay in Wasaarada caafimaadka galmudug keligeed aysan waxbo qaban Karin.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.