Deg Deg:- Dagaal mar kale maanta ka qarxay deegaanka Tukaraq

deg

Wararka aan heleyno ee ka imaanaya deegaanka Tukaraq ee Gobolka Sool ayaa sheegaya in maanta halkaas uu ka qarxay markale dagaal u dhaxeeya ciidamada maamulada Puntland iyo Soomaaliland.

Dad goob joogayaal ah ayaa sheegaya in dagaalka ay qaadeen ciidamdo fara badan oo ku hubeysan hubka nuucyadiisa kala duwan iyo dabaa baadka dagaalka, ciidamadaas ayaa sida la sheegay waxaa hogaaminayay Maadxweyne ku xigeenka maamulka Puntland C.xamiim Xaaji Cumar Camey.
Goob joogayaasha ayaa sidoo kala tilmaamay in deegaanka Tukaraq iyo deegaanada kale ee ka ag dhaw laga maqlaya dhawaq rasaasta, waxaana dadka deegaanka ay ka wal wal qabaan xiisada dagaal ee halkaas ka soo cusboonaantay.
Deeganka Tukaraq ee Gobolka Sool ayaa maalmihii danbe daganaa ayadoo dhawaan ay ku dagaalameen ciidamo kala taabacsan labadaan dhinac.
Lasoco wixii ka soo kordho.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.