Shirka dhalinyarada qurbajoogta Soomaaliyeed oo lagu qabat Virginia USA”Sawiro”

usa

Shirka dhalinyarada qurbajoogta Soomaaliyeed ( Somali Diaspora Youth Conference) ayaa lagu qabtay magaalada Alexandria ee gobolka Virginia.

Shirkan oo ah mid la qabto sanadwalba waxaa sanadkii tobaad ka soo qeybgalay dhalinyaro qurba joog ah oo ka kala yimid gobolada dalkan Mareykanka iyo Canada.

Waxaa soo abaabulay Hay’ada Adar Foundation oo ah Hay’ad u dhaq dhaqaaqda arimaha Bulshada.

Sanadkan waxaa looga hadlayay arimaha Xagjirka, Muslin nacaybka, Cudurada dhimirka, Xuquuul insaanka iyo kuwa kale oo badan.

Arinta xagjirka ayaa ahayd arin soo jiidasho lahayd iyada oo Soomaalida dalkan ku nool lagu tilmaamo in ay u nugulyihiin arimaha xagjirka maadama ay yihiin Dad Madoow, Muslim ah, isla markaana dhawaan soo galay dalkan.

Muhiimada ayaa lagu sheega in arinta xagjirnimada looga gudbi karo in la sameeyo isdhexgal bulsho, Aqoonta dhalinyarada oo kor loo qaado iyo in la sameeyo dadaalo ku aadan horumarinta jaaliyadaha.

Shirkan oo hab doodo kala duwan lagu soo bandhigayay ayaa dhalinyaradu waxay isku dhaafsanayeen arahdooda, iyada oo doodaha qayb ay ka ahayeen aqoonyahano iyo waxgaradkale oo gundhig u ahaa shirkan.

Aqoonayahanka shirkan sidaweyn uga dhex muuqday waxaa ka mid ah Abukar Arman, Fowzia Abdikadir, Horsed Nuh, Alia Ibrahim, Fatima Ali Nur, Warsan Mohamed Yusuf iyo aqoonyahano kale oo dhalinyaro u badan gabi ahaantoodna soo bandhigay Mowduucyo dhaxalgal u ahaa dadkii ka soo qeybgalay.

Waxaa la soo hadal qaaday dhibaatada dhalinyarada xabsiyada Mareykanka iyo Canada ku jira iyo sidii xal loogu heli lahaa loona kobcin lahaa aqoontooda isla markaan aloogu samayn lahaa wacyi galin.

Shirka dhalinyarada qurbajoogta Soomaaliyeed ee (Somali Diaspora Youth Conference) waxaa waxyabaha looga hadlayay ka mid ahaa sida lagama maarmaanka ay u tahay in dhalinyaradu dib ugu laabtaan dalkooda iyaga oo ka helaya qibrad waaya aragnimo iyo in ay dareemaan in ay leyihiin dal la saan qaadi kara dunida inteeda kale iyo in aqoontooda iyo waaya aragnimadooda ay la wadaagaan dadkooda.

Shirkan ayaa waxa lagu tilmaamaa in uu ka midyahay shirarka waxgalka u leh dhalinyarada Soomaaliyeed ee qurbajoogta ah kuwaas oo sanadkiiba mar isku arka shirkan isla markaana is dhaafsada aarah, waaya aragnimo, aqoon, iyo sheekooyin xiiso leh iyada oo qaar dalka Soomaaliya ka soo laabtay ay dhiirogalin u sameeyaan kuwa wali aan dalkii tagin.
Deeqo Shire (SONNA)
Deeqosonna@gmail.com
usa

usa

usa

usa

usa

usa

usa

usa

usa

usa

usa

usa

usa

usa

 

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.