Keating Ha Loo Sheego W/Q Ibrahim Aden Shire

qara

Madaxa UN-ta ee Soomaaliya Mudane Michael Keating ayaa Arbacadi warbixin siiyay Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay. Keating hadalkiisu wuxuu u badnaa dhaliil, eedayn iyo ka digid dhibaatooyin soo socdo, inkastoo uu tilmaamay horumarro ay dowladdu samaysay. Mudanaha ayaa dowladda ku eedeeyay xoog isticmaal, dag-dag iyo musuqmaasuq baahsan.
Sidoo kale hadalka Keating ayaa laga dhadhansan karay inuu ayidayay warar ay qoreen warsidayaasha qaar, kuwaas oo tilmaamayay in Taabit isku dayay inuu xoog isticmaalo ciidamo beeshiisa ahna xarunta dowladda hoose uu geeyay, ka dibna dowladdu ciidan waydiisatay AMISOM balse lagu gacan sayray. Hadalkaas ayaa meel ka dhac ku ah guddoomiye Taabit iyo guud ahaan madaxda Soomaaliya. Haddii si kale loo dhigo, hadalku wuxuu noqonayaa madaxda soomaamlidu wali waa moryaan qabiil kaliya aaminsan. Ujeedka uu sidaa Keating ugu hadlay qormadaan ayaa kaga hadlay maadama aysan marki koowaad https://ibrahim-shire.blogspot.co.uk/search?updated-max=2018-01-03T13:23:00-08:00&max-results=20

Masuuliyadda na saaran
Siyaasi maahi aadna uma daneeyo arrimaha siyaasadda sidaan marar badan ku celceliyayba laakiin masuuliyad ayaa naga saaran ilaalinta dalkeenna iyo qalbiyada dadkeenna. Hadalka keating waa mid culus saamayn weynna ku yeelan karo horumarka dalka.
Wuxuu niyad jabinayaa qurba-joogti soo noqon lahayd oo waddanka wax ka dhisi lahayd, wuxuu shaki galinayaa shirkadiha ajaanibta ee maalgashan lahaa wuxuu sidoo kale walwal ku abuurayaa shacabka wanaaga jecel ee warsan dhagahoodu rabaan. Sidaa darteed waxaa ina saaran inaan tilmaanno waxaan ognahay iyo sida xaqiiqdu tahay.
Dhabta
Keating nooma sheegin wax cusub iyo wax aannan ogayn toona. Culuyskii ka dhashay weerar C/Raxman C/Shakuur iyo cabsidi ay abuurtay xurgufti Taabit waa mid aan wada ogayn. Waxaa sidoo kale wada ognahay in dalkeennu jilicsanyahay xag amni iyo siyaasadeedba sidaa darteed in sidi ukunti loo ilaasho uu u baahan yahay.
Hasa yeeshee waxaan wada ognahay inuu socdo horumar ballaaran oo dhican walba kaas oo soo bilowday sanado hore laakiin hadda xawaarihiisu kordhay. Waxaa kobcay dhaqaalaha dalka. Waxaa laba jibbaarmay dakhliga dowladda gudaha ooga soo xaroodo, waxaa si buuxda loo baxshaa mushaaraadka shaqaalaha dowladda waxaana kordhay keydka bankiga noo yaal.
Xogtaan waxaa qoray xafiis santuuqa hayadaha iyo dowalaha soomaaliya dhaqaalaha siiyo (Mulitipartnership Fund) waxayna si rasmi ugu faafiyeen twiter-kooda.

Garaafka kowaad wuxuu tusaya in dakhliga dowladdu kordhay 111% guud ahaan intii u dhaxaysay 2013-1017ka. Qarashka ay dowladda ka hesho bannaanka wuxuu kordhay 118% kan gudahana wuxuu kordhay 106%. Kobaca dakhligu wuxuu ku tusayaa in maamul wanaaggu sii kordhayo waayo canshuur bixinta iyo kaalmada caalamiga ah labadaba waxaa shardi u ah maamul wanaag.

Jaantuska labaad ayaa tusayo in keydba bankigu kordhay 140% sadexdi sano ee lasoo dhaafay waxaana ka muuqato in kobaca xooggiisu dhacay sanadkii tagay. Keydka kordhay wuxuu na tusayaa in wixii la helo aanan cayriinka lagu qaybsan ee la geeyo bankiga, wixii loo baahdo laga qaato wixii soo harana la kaydiyo.

Garaafka sadexaad sida ka muuqato 2015ki 83% shaqaalaha dowladda ayaa heli jiray mushaarkooda, caddaadkaas 67% ayuu usoo dhacay sanadki 2016ki waxayse 100% gaartay sanadki tagay. Tani waxay caddayn buuxda u tahay in musuqu hoos u dhacay waayo haddii la xadi lahaa wixii soo xarooday lama heleen mushaar la bixiyo.
Sida cad horumarku wuxuu ahaa mid soo socdo haddana sii siyaaday. Waxaan ka filaynay mudane Keating in dhaliishiisu ku fadhido xog sugan (hard data) iyo istaatistikis. Waxay ahayd inuu na tuso inuu horumarki dhaqalaaha ee socday hoos u dhacay boqolkiiba intaas tan iyo marki ay dowladdaan timid, tirada dhimashada iyo qaraxyadu ay kordheen bishiiba intaas, hantida caynkaas ah ayaa la xaday iyo lacag tiradaas ah ayaa la la’yahay meel ay jirto. Intaas midna nooma sheegin ee sidii fadhi ku dirirki ayuu hadal aan caddayn wadan lasoo shir tagay.
Keating ha loo sheego
Waxaa nasoo martay iyadoo madaxda lagu doorto dowlad heblo ayaa wadato iyo dalkaas ayuu xarir la leeyahay. Waxaa sheekeeyay nin ka mid ahaa baarlamaanki madaxweyne Xasan doortay. Wuxuu yiri aniga iyo sadex kale ayaa u tartannay kursiga beeshayda. Wax dibadda ka yimid anaa kaga jiray. Markaan sheegayay sabaha la igu dooranayo ayaan waxaan raaciyay “waana la i wataa”.
Kurisgi anaa la isiiyay waxyaabihii ragga kale lagu qanciyayna waxaa ka mid noqday in anigu aan taageero ka haysto Ingiriiska wallow anigu aanan dhihin taageero ayaan ka haystaa iyo iyadaa i wadato. Markuu yiri waa la i wataaba waxaa loo qaatay in dalki uu ka yimid wato taasna ay sharaf tahay.
Laakiin hadda taasi is baddashay. Maanta waxa la isku ceebeeyo waxaa ugu weyn shisheeyo ayaa wato, dowlad heblo ayuu xariir la leeyahay iyo waa la isticamalayaa. Sidaa darteed mudane Keating ha la gaarsiiyo in laga gudbay waqtigii hadalkiisu baddali jiray maskaxda soomaalida.
Ha loo sheego inaan ilbaxnay oo aan barannay xuquudeenna. Ha loo sheego in aan innagu nahay kuwa rabo inay dowladdooda la xisaabtamaan. Waxaan ku xisaabtamayno maahan yaa wax ka sheegay iyo yaa ammaanay ee waxaan ku xisaabtamaynaa maxay noo qabatay.
Waxaan eegaynaa waxa iska baddalay cuntada miiska noo saaran. Waxaan eegaynaa in dhaqaalaha kordhay uu wax ka baddalay adeegga bulshada. Waxaan eegaynaa caruurteennu ma heleen waxbarsho bilaash, waayeelkeenna iyo masaakiinteennu ma heleen daryeel caafimaad oo ay awoodaan.
Waxaan eegaynaa booliska na ilaaliyo ma la dhisay, xudduudaha ciidan ilaaliyo ma geeyay, ma la ogyahay cidda dalkeenna timaaddo iyo midda ka baxdo. Waxaan eegaynaa isbadalka nololeed ee ku yimid dadkeenna iyo bilicda caasimadaheenna.
Kuwaan ayaa ah kuwa aan wax ku qaybsannayno dowladdana kula xisaabtamayno sidaa darteed innaga ayaan go’aan ka gaarayno in dowladdu fashil ku socoto iyo inkale.
Taasi kama dhigna inaan raali ka ahay khaladaadka ay dowladdu gasho. Sidoo kale kama dhigna inay wax walba u socdaan sidii la rabay. Waxaan si adag ooga soo horjeedaa in xoog la isticmaalo, la handato kuwa kaa aragti duwan, lagu takri falo awoodda kursiga laakiin waxaan diidnay in cid kale noo meeriso waxaan ka aaminayno madaxda dalkeenna iyo horumarka innaga na quseeyo

Ibrahim Aden Shire
Ishire86@gmail.com
Kala soco: https://ibrahim-shire.blogspot.co.uk/

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.