Jowhar oo maanta ay ka dhaceyso doorasho loo galaayo kursi ka banaan Golaha Shacabka.

Magaalada Jowhar ee caasimada maamulka Hirshabeele ayaa maanta lagu waddaa in lagu qabto doorashadda kursi ka mid ah kuraasta Golaha Shacabka oo ka banaan Baarlamaanka Soomaaliya.
Kursigaan ay dhaceyso doorashadiisa ayaa horay waxaa ugu kuu guuleystay Taliyihii hore Hay’adda Nabad Suggida iyo Sirdoonka Qaranka C/llaahi Maxamed Cali Sanbaloolshe oo kursigaasi waayay markii uu noqday taliyaha Nabad Sugida.
Qabanqaabadii ugu dambeysay ee doorashadda ayaa ka socota Magaalada Jowhar , iyadoona ay xusid mudan tahay in kursiggaan ay ku tartamaayaan xubno si weyn looga yaqaano oo ka yahay Maadxweynihii hore ee maamulka Hirshabeele Cali C/llaahi Cosoble oo sheegay inuu u taagan yahay buuxinta kursigaas ka banaan Golaha Shacabka Soomaaliya.
Magacyada Musharaxiinta ku tartamaya kursiga Xildhibaanimo ee ka banaab Golaha shacabka ayaa waxay kala yihiin.
1- C/llaahi Maxamed Cali Sanbaloolshe
2- Cali C/llaahi Cosoble
3- Dahir Cabdulle Cawaale
4- Nuur Iidow Beyle
5- Dahabo Xasan Axmed
6- Xuseen Axmed Geelle
Amaanka Magaalada Jowhar ayaa maanta aad loo adkeeyay waddooyinka Magaalada iyo wadooyinka u dhaw madaxtooyada Hirshabeela ayaa waxaa lagu arkayaa ciidamo faro badan oo sugaya .

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.