Askari Adray ku dilay Beladweyn oo gacanta lagu dhigay.

Ciidamada Militeriga ee Magaalada Beladweyne ee xarunta Gobolka Hiiraan ayaa gacanta kusoo dhigay Askari ka tirsan ciidamada dowladda Soomaaliya , kasoo xalay qof Shacab ah ku dilay Magaalada Beladweyne.

Dilka ayaa ka dhacay Xaafadda Buundaweyn,Waxaana qofka la dilay lagu magacaabi jiray Xasan Cabdule Maxamed.

Marxuumka la dilay ayaa ka mid ahaa dhalinyarda Sanadkaan ka qalan jibineysa mid ka mid ah jaamacadaha ku yaala magaalada Beladweyne ee xarunta Gobolka Hiiraan.

Qaraabada Marxuumka dhintay ayaa maamulka Degmada iyo kan gobolka ka dalbaday in cadaalad uu helo Xasan Cabdule Maxamed.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.