Daawo:Gudoomiyaha Cusub Gobolka Banadir ayaa xilkii Wasaarada Warfaafinta ku wareejiyey Wasiir ku xigeenka,

Wasiirkii hore ee Wasaaradda Warfaafinta ee Xukuumadda Soomaaliya Eng, Cabdiraxmaan Cumar Cismaan Yariisow ayaa maanta xilka ku wareejiyay Mudane Cabdiraxmaan Iidaan Yoonis oo ah Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Warfaafinta kadib munaasabad kooban oo lagu qabtay xarunta Wasaaradda Warfaafinta.
Munaasabadda xil wareejinta ayaa waxaa ka qeyb galay Senator Muno Cumar Xasan, Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Warfaafinta, Agaasimeyaasha Waaxyaha ee Wasaaradda, Fanaanadda Qaran Hibo Maxamed Nuur iyo mas’uuliyiin kale.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.