Dowlada Soomaaliya oo u jabaawtay Maadaxweynaha Eritrea.

Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa jawaab adag ka bixisay hadal Todobaadkii hore ka soo baxay madaxweynaha Dalka Eritrea  Isaias Afwerki.

Madaxweyne Isaias Afwerki,ayaa todobaadkii hore mar uu ka soo laabtay Dalka Masar isaga oo ka hadlayay kaalinta Turkiga ee Soomaaliya waxaa uu sheegay in howlaha Turkiga uu ka wada Soomaaliya ay yihiin wax aan la aqbali karin.

Isaias Afwerki,Waxaa uu Siyaasadda Turkiga ee ku wajahan Soomaaliya iyo Suudaan ku sheegay in ay tahay mid aan u wadaanasaneyn Gobolka islamarkaana saameyn taban ku yeelaneysa isaga oo tusaale u soo qaatay Saldhigga Milatri ee Turkiga dhisay Soomaaliya.

Danjiraha Dowladda Soomaaliya ee Dalka Itoobiya Maxamed Cali Nuur Xaaji,oo wareysi siiyay wakaaladda wararka Turkiga ee Anadolu Agency,ayaa sheegay in hadalka Isaias Afwerki uu yahay mid gef ah,waxaana uu xusay in haddii doorto Turkiga ee Soomaaliya uusan isaga u cuntameyn uu u cunatamayo malaayiin Soomaali ah.

Danjire Maxamed ayaa yiri “haddii dowladda Madaxweyne  Isaias Afwerki,aysan ku faraxsaneyn doorka Turkiga ee Soomaaliya,annaga iyo Gobolka ayaa ku faraxsan”.

Madaxweynaha Eritrea ayaa dhawaan booqasho uu ku tagay Dalka Masar,waxaa ay sababtay in uu xumaado xiriirka Eritrea iyo Masar oo dhinaca ah iyo Suudaan iyo Itoobiya oo dhinaca kale ah.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.