Puntland oo Askar usoo qabatay dilka Taliyihii Booliska Galdogob.

Xasan Maxamed Khaliid Gudoomiyaha Gobolka Mudug ee Maamulka Puntaland oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay inay gacanta ku hayaan Askar loo maleynaayo inay ka danbeeyeen dilkii Taliyihii Booliska Deegaanka Goldogob ee Puntaland.

Gaashaanlle C/Xamiid Warsame ayaa xalay lagu dilay Degaanka Bursaalax ee Gobolka Mudug,halkaas oo Ciidamo ka mid ah Booliska Puntland ay ku toogteen.

Guddoomiyaha Gobolka Mudug Xasan Maxamed Khaliif ayaa sheegay in ragga dilka geystay gacanta lagu soo dhigay sharcigana lagu wareejinayo si loo waafajiyo caddaaladda.
Waxaa uu Khaliif ka gaabsaday in uu ka hadlo sababta loo dilay Taliyaha,isaga oo ku gaabsaday in uu socdo baaritaan ay waddo laanta dambi baarista ee Puntland Raggaasna Maxkamad la geynayo

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.