Jarmalka oo Soomaaliya ugu deeqday Malaayiin Lacag ah.

Dawladda Jarmalka ayaa sheegtay in Dowlada Soomaaliya ay ugu yabooheyso lacag dhan 32 Milyan oo Euro oo ay ugu tala gashay in lagu taageero kaabayaasha shaqada ee Soomaaliya.

Lacagtan ayaa Dowladda Soomaaliya ayaa waxaa loo soo marsiin doonaa Bankiga Adduunka, gaar ahaan qeybta wadanka Jarmalka oo lagu magacaabo Multiple Partner Fund (MPF), taasi oo gacan ka geysanaysa xoojinta kartida degaanka iyo kartida hirgelinta si loo hagaajiyo helitaanka kaabayaasha aasaasiga ah ee Soomaaliya.

Madaxa Iskaashiga horumarinta Maalgashiyada iyo kaabayaasha dhaqaalaha ee dalka Jarmalka Marius Rau ayaa sheegay ayaa sidoo kale lacagtan in loogu tala galay koritaanka magaalooyinka,  horumarinta xaaladaha nololeed ee muwaadiniinta Soomaalida iyo arrimo kale.

Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya C/raxmaan Ducaalle Beyle oo arrintan si kooban uga hadlay ayaa sheegay in Dowladda Soomaaliya ay u mahadcelineyso Dowlada Jarmalka oo markale qaaday talaabo wanaagsan oo horumar u ah Dalka iyo Dadka Soomaaliyeed.

Sanduuqa dhaqaalaha ee Dowladda Jarmalka oo lacagta loo soo marsiiyay Dowladda Soomaaliya ayaa taageero ka hela Midowga Yurub Bangiga Adduunka iyo Sanduuqa Nabadgalyada (SPF).

Hay`ada Lacagta Aduunka ayaa horay u sheegtay in dhaqaalaha soomaaliya uu kasoo wanaagsanaayo sidii hore isla markaana Wasarada maaliyada Xukumada fedraalka Soomaaliya ay qabatay shaqa fiican mudadii yareed ee ay jirtay.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.