Kursigii Sanbaloolshe ee Baarlamaanka oo loolan adag uu ka jiro iyo Imaaraatka oo Murashaxiin Keensaday.

sanbaloshe

Waxaa lagu wadaa in Billowga Isbuuca soo socdo lagu qabto xarunta Dowllad Goballeedka Hirshabeelle doorashadda kursigii uu baneeyay Taliyihii hore Nabad suggidda Sanbaloolshe.

Doorashaadaan oo ah mid aad u adag ayaa waxaa ku tartami doono lix Murashax oo kala ah
1-Xuseen axmed heelle
2-Daahir cawaale
3-Cabdullaahi maxamed cali
4-Nuur iidoow beyle
5-Dahabo xasan axmed

labo ka mid ah murashaxiintaan ayaa Xilidhibaano horey u soo noqday Waxaana dabada ka riixayso Dowladda Imaaraatka oo dareensan muhiimadda uu lee yahay kursigaan. Dowladda Imaaraatka ayaa ku rajo wayn in uu ku guulaysto kursigaan Cabdulaahi Maxamed Sanbalooshe.

Laakiin waxaa jirta walaac ay Dowladda Imaaraatku ka qabto Sanbaloolshe maadaama taageeradda beeshiisa dhexdeeda ay tahay mid aad u yar Bulshada reer Hiiraana aynan kalsooni badan ku qabin ayna rabi lahaayeen Xildhibaan ka waxtar badan oo ka damqanaya duruufaha nolaleed iyo dib udhaca horumarineed eek a jira deeganadda ay beeshu degto.

Arintaas ayaa ah midda kaliftay in Dowladda Imaaraatku ay soo diyaarsatay hadii uu Sanbaloolshe ku fashilmo inay ku badasho Nuur Iidoow Bayle oo horey u soo noqday Xildhibaan Dowladdii Nuur caddena Wsaiir ka soo noqday.

Xildhibaan Nuur Iidoow Bayle ayaa mudadii uu ahaa Xildhibaanka waxaa ay bulshada reer Hiiraan ku eedaynaysay waxtar la’aan iyo inuusan xiliggii dheeraa uu Wasiirka iyo Xildhibaanka ahaa uunan la imaan wax qabad lagu xasuusto taasna waa mida keenaysa inaan loo codeyn uuna u doorbiday inuu lacag ka soo qaato Imaaraatka.

Marka laga soo tago labadaas Murashax ee ay maalgalinayso Dowladda Imaaraatka Waxaa ugu taageero lagana yaabo inuu ku guulaysto xilkaan Xuseen Axmed Geelle (Sandhool) ayaa ah Murashaxa ugu taageeraha badan ahna mid taageero lixaad leh ka haysta dhamaan qaybaha kaladuwan ee bulshadda uu matalo. Maadaama lagu yaqaanay inuu ahaa nin bulshada dhexdeeda magac iyo maamuus ku leh.

Murashaxaan ayaa barnaamijkiisa doorasho aad diiradda u saaray sidii loo furi lahaa wadooyinka xiran loona keeni lahaa gobalka mashaariicda horumarineed ee ay Gobaladda Dalka intooda badan heleen, loona abuuri lahaa shaqooyin dhalinyaradda Gobalka Hiiraan loona hormarin lahaa kaabayaasha dhaqaalaha loona xoojin lahaa dib-u-heshiisiin dhab ah oo dhex marta bulshada ku dhaqan Hiiraan.

Murashaxaan ayaa lagu magacaabaa Xuseen Axmed Geelle (Sandhool) ayaa ku dhashay Baledweyn 1967 kuna Barbaaray Muqdisho waana ku bartay dugsi hoose, dhaxe , Sare ilaa heer jaamacad kuliyadda Farsamadda Macalamiinta iyo Ganacsiga iyo xisaabaadka Polotechnico kadibna taqasus ka sameeyay dhaqaalaha kana qaatay Master Jaamacadda Birmingam ee Dalka Ingriiska.

Xildhibaan Xuseen ayaa ka soo jeedaa guri siyaasadeed Aabahii AXmed Geelle Xassan waxa uu ahaa dubadaatigii MP ugu horeeyay ay beeshooda yeelato iyo wasiirkii ugu horeeyay xiligii Dowladdihii burburka ka hor.

Xilidhibaan Xuseen Sandhool ayaa ah nin ay ka go’an tahay inuu dadkiisa u adeego halka labada Xilidhibaan ee Imaaraatku taageerayo ay yihiin kuwo horey ugu soo fashilmay xilkaan, Aqoonyahanka, Qurbojoogta ,Waxgaradka iyo dhamaan qaybaha kala duwan bulshada ayaa aad u doonayo in uu Xuseen Axmed Geelle ku soo baxo doorashadaan maadaama uu yahay Xildhibaan hawlkar ah uguna soo bixi kara xilkaan sida ugu haboon.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.