Soomaali laga sii daayay Xabsi ku yaala Nairobi oo ay Muddo dheer ku xirnaayeen.

Waxaa dib xuriyadoodii u helay 4 wiil oo Soomaali ah kuwaas oo muddo ku xernaa magaalada Nairobi ee caasimada wadanka Kenya dhalinyardaan ayaa Dowlada Kenya waxay xertay sanadkii 2014kii xiligaas oo lagu eedeeyay in ay ka danbeeyeen weerar argagaxiso oo ka dhacay garoonka Diyaaradaha joma Kenyanta magaalada Nairobi ee Kenya, ayadoona 4bil ka dib uu Magaalada Nariobi uu ka dhacay weerar kale oo lala beegsaday xarunta ganacsiga Westigate mall weerarkaas oo ugu yaraan ay ku dhinteen dad ka badan 67 ruux.

4ta wiil oo ku eedeysnay in ay Al-shabaab ay ka tirsanaayeen ayaa beeniyay in wax xariir ah ay la lahaayeen dagaalamayaasha Al-shabaab.

Afartaan wiil ee Soomaaliyeed ayaa lagu kala magacaabaa, Hassan Abdi Mohamed, Mohamed Osman Ali, Yusuf Warsame iyo Garad Hassan Fer.

Maxkamad ku taala Magaalada Nairobi oo ragaan ay ka soo muuqdeen ayaa waxay sheegtay in ragaan ay ku waayeen eedeymihii loo soo jeediyay isla markaana wixii xiligaan ka danbeeya xuriyadoodii ay dib u heli doonaan.

Wixii ka danbeeyay bishii October sanadkii 2011 xiligaas oo Ciidamada Kenya ay gudaha usoo galeen gudaha Soomaaliya oo ay ka mid noqdeen ciidamada nabad ilaalinta u jooga Soomaaliya ee AMISOM ayaa wixii xiligaas ka danbeeyay dagaalamayaasha Al-shabaab waxay weerar ay ku qaadayeen Magaalooyin waaweyn ee dalka Kenya.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.