Culumada iyo odayaasha dhaqanka Caabudwaaq oo Madaxwaynaha soomaliya Usheegay inay lamid yihiin ummada Soomaliyeed ee wax looqabanayo

takoy

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo kulamo wadatashi ah kula qaatay magaalada Caabudwaaq culumada iyo odayaasha dhaqanka ayaa ugu baaqay in ay dardargeliyaan kaalinta ay ku leeyihiin nabadeynta iyo dib u heshiisiinta bulshada deegaanka.
Madaxweynaha ayaa sheegay in odayaasha dhaqanka Soomaaliyeed ay asaas u yihiin arrimaha dib u heshiisiinta, kaalin muhiim ahna ay ka soo qaateen samatabixinta dalka, balse haatan looga fadhiyo dhameystirka dadaallaadaas iyo sidii ay u horseedi lahaayeen xaqiijinta bulsho mideysan oo u jiheysan dhanka horumarka iyo wax wada qabsiga.
Kaddib is xog wareeysi ku saabsan caqabadaha la xiriira dib u heshiisiinta magaalada Caabudwaaq iyo talooyin ay soo jeediyeen waxgaradka uu la kulmay Madaxweynuhu, waxa ay isla garteen sidii loo yagleeli lahaa guddi ka shaqeeya nabadeynta iyo wadashaqeynta odayaasha dhaqanka magaalada Caabudwaaq iyo deegannada hoos yimaada.

 

Sidoo kale, Madaxweyne Farmaajo oo kulan gaar ah la qaatay culimada ayaa bogaadiyey kaalinta ay ku leeyihiin wacyigelinta bulshada deegaanka, isagaoona ku ammaanay sida ay ugu taaganyihiin joojinta coolaadaha iyo khilaafaadka hareeyay nolasha iyo horumarka bulshada.
Madaxweynaha ayaa yiri “Waxaan idiin wadnaa fursad aad ka faa’iideysan kartaan. fursaddaasi waxa ay tahay inaan idiin keenno adeegyadii ay magaalada u baahnayd, adeegyadaasna ma imaan karaan haddii ay magaaladan kala qeybsantahay.”
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo maalinkii saddexaad ku sugan magaalada Caabudwaaq ayaa wada dadaallo iyo wadatashiyo ku saabsan dardargelinta hawlaha dib u heshiisiinta iyo nabadeynta oo saldhig u ah qorshaha socdaalka uu ku maray qeybo ka mid ah gobollada dalka .

dhanka kale waxgarad Caabudwaaq ayaa usheegay Madaxwayaha Somaliya inay la mid yihiin ummada Soomaliyeed ee wax loo qabanayo ayna baahi wayn uqabaan sidii looga caawin lahaa sida Caafimaad,waxbarashada,aminga,wadooyin,garoomada Diyaaradaha Iyo  kaabaha Bulshada.

cw farmajo cw cw cw

 

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.