Daawo:Dowlada Soomaliya oo U mahad Celisay Danjiraha Soomaaliya ee India Ebyan Ladane siday uga qayb qaadatay sii daynta Maxaabiista

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya, Mudane Xasan Cali Khayre iyo gudoomiye ku Xigeenka labaad ee Goloha Shacabka Soomaaliya, Mahad Cabdalle Cawad, ayaa shalay garoonka diyaaradaha ee magaalada Muqdisho ku soo dhaweeyeen Danjiraha Soomaaliya ee India Ebyan Ladane iyo 41 maxaaabiis dhalinyaro Soomaaliyeed ah oo ku xirnaa dalka Hindiya . Kuwaas oo dib u helay xoriyadoodii ka dib dadaalo badan oo ay sameyay dawladda Soomaaliya

Ra’iisul Wasaare Khayre ayaa sheegay in uu ku faraxsan yahay in markale ay soo dhaweeyaan muwaadiiniin Soomaaliyeed, oo si yaabo kala duwan ugu xirnaa dalka Hindiya. Waxayna ka turjumaysaa sida ay xukuumadda Soomaaliya ugu dadaalayso in dhamaan maxaabiista Soomaaliyeed laga soo daayo wadamada ay ku xirin yihiin lana dareen siiyo in ay dawlad lee yihiin.

Raysawasaare Khayre ayaa waxuu ku amaanay Danjiraha Soomaaliya ee India Ebyan Ladane sida wanaagsan oo habeyn Iyo maalin uGu taagnayd siidaynta Maxaabiista Soomaliyeed ee ku xirnaa Dalka India.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.