Daawo:Degaanada Hirshabeele oo Gaari Dameer Lagu qaadaa hooyooyiinka Markey Foolanayaan

dameer

Maamulka Hirshabeele ayaa ah maamul Goboleed cusub waxaana uu kamid yahay Maamul goboleedka uGu dad badan Soomaaliya, hadaba Tuulada Koongo waxay shan kilomitir u jiraa Magaalada jowhar Casumada Maamulka Hirshabeele waxaana kunool dad farabadan waxaana saameeyey abaarihii soomaliya soo maray.

Wariyaha talafishinka RTN ee magaalada Jowhar Cabdiqaadir Shaashaa ayaa waxuu booqaday tuulada Koongo wuxuuna gudoomiyaha Tuulada Koongo u sheegay dalagii ay filaayeen uu cudur dhibaateeyey taasna ay keentay in beerihii ay xumaadaan.

dhanka kale Hooyooyinka Tuulada Koongo ayaa waxay sheegeen in haweenka dhalaaya lagu qaado Gaari Dameer mararka qaarkooda ay wadada ku dhalaan madaama Tuulada Koongo aysan lahayn adeeg Caafimaad.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.