Madaxweyne Xaaf oo Cadaado laga Mamnuucay.

galmudg

Odayaasha dhaqanka ee Magaalada Cadaado ayaa kulan ay yeesheen kadib waxay soo saarayn war Saxaafadeed ka kooban 4 qodob.

Qodobada ay soo saareyn waxaa ka mid ah in deegaanada ay degaan dadka reer cadaado ay amaankooda mas’uul ka yihiin maamulada u jooga laguna qaban karin shirar lagu taageerayo Heahiiskii Ahlusunna iyo Galmudug iyo kulamo kale oo aysan odayaashu ka warqabin.

Sidoo kale odayaasha ayaa Cadaado ka mamnuucay Madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf, waxayna sheegeen in uusan ku soo laaban karin Cadaado Islamarkaana dhax mari karin dhulkooda sida ay hadalka u dhigayn.

Dhaqanka reer cadaado ayaa Madaxda Dowladda ka dalbaday in Madaxweyne Xaaf iyo Madaxa Xukuumadda Galmudug Shiikh Maxamed Shaakir aysan u aqoonsan Madaxda Galmudug.

Jahwareer kale ayay lugaha la sii galeysaa Galmudug oo dhawaan guul gaartay soo xera gelinta Ahlusunna.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.