Gudoomiyihii Degmada garbaaharey ayaa Xilka laga qaaday mid kalana waa Lama magaacaabay

deg

Warqad ka soo baxday Xafiiska Wasaarada Arimaha Gudaha Jubbaland ayaa xilka looga qaaday Gudoomiyihii Degmada Garbaharey Iimaan Cadow iyadoona sidoo kale soo Magacowday Guduumiyaha Cusub ee Degmada Garbaharey Maxamed Xusen (iftiin)

Xilka qaadistaan lagu sameeyey Gudoomiyihii Hore ee Garbaharey ayaan la ogeyn sababaha ka danbeyey walaw warar si hoose la isula dhex mareyey ay sheegayaan in ay jirtay qilaafaad dhex yeelay wasaarada Arimaha Gudaha Jubbaland iyo sidoo kale Wasaarada Amniga Jubbaland taas oo buuq dhalisay ka dib markii Wasaarada Arimaha Gudaha Jubbaland ay shir ku qabatay Degmada Dolow halkaas oo lagu Casuumay Gudoomiyihii hore ee Garbaharey iman cadow islamarka Uu ka biya diiday ka qayb galka shirkaasi waxana si hoose loo sheegey in ay isku mowqif ahaayeen Wasiirka Amniga Jubbaland iyo Guddoomiye Iman Cadow taana waa mida kaliya ee keentay Xilkaqaadista Gudoomiyihii Garbaharey.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.