Safarkii nabada oo wajigii labaad galay

farmajo

Madaxweynaha jamhuuriyada fedraalka soomaaliya mudane maxamed cabadullahi farmaajo iyo wafti uu hogaaminayay oo is kugu jiro heer fedraal & heer dawlad goboleed oo maalintii shalay soo gaadhay magaalada gaalkacayo ee xaruunta gobolka mudug ayaa maanta si heer sara ah loogu soo dhaweeyay koonfurta magaalada gaalkacayo.

Madaxweynaha iyo waftigiisa ayaa waxaa soo dhaweyntiisa kaalin weyn ka qaatay qeyb baha kala duwan ee bulshada reer galmudug iyo xildhibaano dawalada feraalka umatalayo deeganada galmudug oo horkacayo senetar abshir bukhaari iyo madaxweynaha galmudug axmed ducaale geele xaaf & taliyaha ciidanka xooga dalka jeneraal gorod.

Maxamed cabdullahi faramaajo madaxweynaha qaranka ayaa safirkiisa wajiga koobaad ku bilaabay gobolada putland oo uu booqday magaalooyinka garoowe,qardho,boosaso,iyo waqooyiga gaalkacayo oo uu saka uga soo gudbay koonfurta gaalkacay oo wajigaasa labaad uga bilaabanayo safarka nabada deegaanad galmudug.

Madaweynaha ayaa intii ku suganyahay magaalada gaalkacayo waxa uu kulamo la qaadan doona madaxda labada qeybood iyo duubaka dhaqanka ee gobolka mudug si xal wara looga gaadho colada soo noq noqday ee ka dhaca magaalada galkacayo waxaana la rajeynayaa inuu noqdo safarka uu madaxweynaha ku yimid gobolka mudug midkii mideyn lahaa shacabka reer mudug.

Dhanka kale magaalada dhuusamareeb ee xarunta maamulka galmudug,ayaa manta waxaa soo gaadhay wafti hordhac u ah waftiga madaxweynaha ee ku imaanayo magaalada dhuusamareeb ee xarunta gobolka galgaduud oo la doonayo in lagu dhameys tiro wada hadalkii maamulada galumudug iyo ehlusuna

Waftiga maanta soo gaadhay magaalada duusamareeb ayaa waxaa hormuud u ahaa xildhibaan axmed fiqi oo xub weyn ka ah qolyahay mucaaradka ku ah dawalda uu hogaamiyo madaxweyne faraajo,balse hada uu gabalkoodii dhacay waxaana la aamin sanyahay in axmed fiqi iyo seneter abshir bukhaari ay ku soo biri doonan nabad iyo nolol oo ah rajada kaliya ee soomaali maanta aamin santahay

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.