Madaxweyne Farmaajo Oo Bulshada Reer Gaalkacyo Maanta Kala Hadli doono Nabada M/Gaalkacyo.

Maxamed Cabdullaahi Farmaajo Madaxweynaha Dowlada Fedralka Soomaaliya oo ku sugan Magaalada Gaalkacyo oo ay wehlinayaan Mas`uuliyiinta maamulka Galmudug,iyo xubno ka tirsan Dowlada soomaliya ayaa maanta Waxaa la filayaa in ay furaan kulamo dib u heshiisiin ah oo ku saabsan xaaladda gobolka Mudug.

Madaxweynaha ayaa sheegay mudada uu joogo magaalada Gaalkacyo in uu dardar gelin doono dadaallada dib u heshiisiinta iyo nabadeynta magaalada oo Dowladda Federaalka Soomaaliya ay bilihii u dambeeyay wax badan ka qabatay.

Waxaa uu kulamo wadatashi ah la yeelan doonaa masuuliyiinta heer Gobol iyo heer Degmo, duubabka dhaqanka, ganacsatada, culumada, iyo guud ahaan qeybaha kala duwan ee bulshada.

Kulamaddaasi ayaa ka dhaci doonta Koonfurta Magaalada Gaalkacyo ee Galmudug.

Madaxweyne Farmaajo ayaa shalay waxaa u bilowday Safarka uu ku tagaayo degaanada Galmudug, waxaana lagu waddaa in uu berri gaaro Magaalada Cadaado

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.