Madaxweyne farmaajo oo wali ku safraya masaafo dheer oo ka tirsan gobalka Bari ee Puntland.

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo iyo Wafdiga la socda oo maalmihii la soo dhaafay ku sugnaa deegaano ka mid ah Puntland ayaa maanta safar dheer oo dhinaca dhulka ah ku maraya gobalka Bari ee Puntland.

Madaxweynaha ayaa ku sugan xiligaan deegaanka kala-beyr oo ku dhaw magaalada Boosaaso ee xarunta gobalka Bari ee Puntland, wuxuuna halkaasi dhagax dhigay waddo isku xirta kala-beyr iyo Caluula ee gobalka bari.

Mudda uu safarka ku jiro madaxweynaha ayaa magaalooyinka iyo deegaanada qaar kula kulmaya dad shacab ah oo qorraxda u taagan soo dhaweyntiisa, Gaadiidka madaxweynaha ayaa la soo sheegaya in deegaanada qaar ay ku hakanayaan waqti kooban.

Socdaalka maanta ee madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa ku wajahan magaalada Boosaaso ee xarunta gobalka Bari ee Puntland kadibna waxa uu sii gudbi doonaa magaalada ugu dambeysa ee Socdaalkiisa puntland oo Gaalkacyo sida ay sheegeen qaar ka mid ah wafdigiisa.

Madaxweynaha ayaa wixii berri ka dambeeya usii gudbi doonaa dhulka Galmudug ee Soomaaliya, isagoo ka soo bilaaban doono magaalada Gaalkacyo, wararka qaar ayaa sheegaya in madaxweynaha uu waqti wanaagsan ku soo qaadan doono Gaalkacyo.

La soco wixii ku soo kordho socdaalka Madaxweynaha

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.