Madaxweyne farmaajo Oo Maanta Booqanaya Magaalada Qardho.

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C.llaahi Maxamed”Farmaajo” iyo Wafdi balaaran oo hogaaminaayo ayaa maanta la filayaa inuu gaaro Magaalada Qardho ee Gobolka Karkaar, wararka laga helaayo Qardho ayaa sheegayo in aad loo adkeeyay amaanka Magaaladaasi iyadoona wafdi hor u dhac u ah booqashada madaxweynaha ay hori usii gaareen qardho Waxaa hadda Magaalada Qardho ka soconayo qaban qaabada soo dhaweynta madaxweynaha soomaaliya.

Maxamed C.llaahi Maxamed”Farmaajo”  ayaa maalmihii danbe booqasho ku joogay magaalada Garowe Ee Caasimada Maamulka Puntlan halkaas uu kulamo kula yeeshay Waxgaradka, Coqaasha, Ardayda  iyo Qeybaha kala duwan ee bulshada.

Ayadoona maanta lafilayo inuu gaaro Magaalada Qardho ee Gobolka Karkaar halkaas oo kulamo kula qaadan doono indheer garadka Magaalada iyo bulshada Gobolkaas.

Lama oga inta ay qaaadan doonto booqashada madaxweynaha soomaaliya Maxamed c.llaahi farmaajo oo maanta uu ku tagaayo Magaalada Qardho ee Gobolka Karkaar

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.