Maadxweyne Gaas Oo sheegay in soomaaliland ay Duulaan ku soo Qaaday Puntland

gaas

Madaxweynaha maamulka Puntland C/wali Maxamed Cali (Gaas) ayaa ka hadlay xiisada u dhaxeysa Maamulka Puntland iyo Somaliland, taasi oo dhowaan soo xoogeysatay, kadib markii Ciidamo ka kala tirsan labada maamul ay ku dagaalamaneen degaanka Tukaraq.

Gaas ayaa sheegay 8-dii bishan Ciidamo laga soo abaabulay magaalada Hargeysa in ay duulaan ku soo qaadeen degaanka Tukaraq oo ka tirsan Gobolka Sool, wuxuuna sheegay dagaalka inuu ku soo aaday xilli booqasho uu Puntland ku joogo Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C.llaahi Farmaajo.

Wuxuu sheegay Madaxweyne (Gaas) in Puntland iyo shacabkeeda ay ku filan yihiin difaaca dhulkooda, wuxuuna shacabka ku sugan gudaha iyo dibadda ee Puntland ugu baaqay in ay u diyaar garoobaan difaaca dhulkooda.

Sidoo kale Madaxweynaha Puntland ayaa sheegay duulaanka Somaliland inuu garab iyo gaashaan u yahay Argagixisada, isaga oo sheegay in Puntland ay culeyska saartay hormarka iyo dib u dhiska dalka.

Ugu dambeyntii madaxweynaha Maamulka Puntland C/wali (Gaas) ayaa Dowladda Federaalka, Beesha Caalamka, Ummadda Soomaaliyeed ogeysiiyay in maamulka Somaliland uu masuul ka noqon doono cawaaqib xumada ka dhalata xiisada Tukaraq

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.