Madaxwaynaha Soomaliya ayaa Boqolaal aradaya Kula hadlay Jaamacada bariga Africa ee Garoowe

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo maanta khudbad u jeediyey ardayda wax kabarata jaamacdaha Puntland ayaa sheegay in uu rajo wanaagsan ka qabo mustaqbalka dalka maadaama ay kordhayaan xarumaha waxbarasho ee dalka.
Madaxweyne Farmaajo oo ardayda kula hadlay Hoolka Jaamacadda Bariga Afrika ee Garoowe ayaa yiri “Rajada aan qabo waxa ay tahay ardayda waxbaratay oo aan aaminsanahay in ay aqoontooda wax ugu qaban karaan dalkooda, kuna horumarin karaan. Maxaa yeelay dhallinyaradeenna waxa ay ka yihiin bulshada in ka badan 70%, taasina waa rajo aad u weyn.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.