Fiqi oo ka digay in Nabad Suggida dano gaar ah loo adeegsado

fiqi

Xildhibaan Axmed Macalin Fiqi oo ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya ayaa wuxuu ka digay in Hay’adda Nabad Suggida Soomaaliya loo adeegsado dano shaqsiyadeed.

Fiqi wuxuu sheegay magaca wanaagsan ee Hay’adda NISA inay muhiim tahay sharaftiisa in la ilaaliyo, islamarkaana aanan laga dhigin ciidanka NISA, kuwa shaqsiyaad dowladda ka tirsan u adeega.

“Sumcad, magac wanaagsan & mas’uuliyad ayey hey’adani umaddu ku baratay, waxaana bogaadinayaa shaqaalaheeda kala duwan oo si xirfadaysan shaqadooda u qabsada, waana waajib in magacaas wanaagsan la dhowro oo aan hey’addan laga dhigin mid dad dawladda xilal ka haya oo dano gaar ah leh ay ku shaqeystaan ama gacmaha u galiyaan dhiig iyo magac xumo taariikhdeeda daba socda .” Ayuu yiri Xildhibaan Fiqi.

Nabad Suggida Soomaaliya ayaa muddooyinkii dambe waxaa lagu eedeynaayay inay fulinaysay dano gaar ah, iyadoo awaamiirta ka qaadanaysa masuuliyiin ka tirsan dowladda.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.