Dowlada Soomaaliya Oo 600 oo askari Geysay G/Bay.

Gudoomiye ku xigeenka Degmada Buur hakaba ee Gobolka Bay Cabdi buule ibraahim oo sidoo kale ka mid ah saraakiisha hogaamineysa ciidamo fadhiisimo kasameystay Degmada Buur hakaba, ayaa wuxuu ka warbixiyay ujeedka ciidamadaas fadhiisinka ka sameystay Degmadaasi.

Cabdi buule ibraahim ayaa sheegay in ciidamadaan oo ay tiradooda ay gaareyso 600 oo askari ee fadhiisimaha kasmeystay degmada Buur hakaba ee Gobolka Bay in ay wadaan qorsh balaaran oo ay ku doonayaan in ay isugu furaan wadooyinka xariiriya muqdisho iyo Baydho.

Gudoomiye ku xigeenka Degmada Buur hakaba ee Gobolka Bay Cabdi buule ibraahim ayaa sheegay in hada uu bilowday howgalkaas ay ku furayaan wadadaasi, wuxuuna sheegay in hada ay ku guuleysteen in ay isu furaan wada xariirisa Magaalooyinka Buur iyo Baydhabo.

Wadada xariirisa muqdisho iyo baydhabo ayaa ah wado ay adagtahay isu socodkeeda ayadoona deegaanada qaar ee wadadaas ay marto ay weeraro ay kageystaan dagaalamayaasha Al-shabaab, meelaha qaarna waxaa yaala jidgooyooyin u yaala ciidamo ka tirsan dowlada.

Waxaa hada socda qorshe dowlada ay ku fureyso wadadaasi

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.