Madaxweynaha Somaliya oo xariga ka jaraya Maanta Garoonka Diyaaradaha Garowe

farmajo

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Maxamed C/laahi  (Farmajo) oo shalay gaaray magaalada Garowe ayaa maanta lagu wadaa inuu xariga ka jaro Garoonka Diyaaradaha magaalada Garowe, oo si casri ah loo dhisay.

Waxaa saakay magaalada Garowe ka socota qaban qaabada ku saabsan Munaasabadda xarig jarka Garoonka Diyaaradaha Magaalada Garowe

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo wafdi uu hoggaaminayo oo shalay gaaray magaalada Garoowe ayaa kulamo wadatashi ah xalay la yeeshay Madaxda maamulka Puntland iyo qaar ka tirsan qeybaha kala duwan ee bulshada.

Sidoo kale Madaxweynaha Soomaaliya ayaa xalay  magaalada Garowe kaga qeyb galaya Xaflada Afar sano guuradii ka soo wareegatay markii la doortay Madaxweynaha Puntland C/wali Maxamed Cali (Gaas) oo ku beegan maanta 08-da January 2018.

Waxaa si wayn loo adkeeyay ammaanka Magaalada Garowe ee xarunta Maamulka Puntland, Ciidamada Puntland ayaa lagu daadiyay xaafadaha kala duwan ee Magaalada Garowe, waxaana ay wadaan hawlgallo ammaanka lagu xaqiijinayo.

Waa Safarkii ugu horeeyay ee Madaxweyne Farmaajo uu ku tagayo Magaalada Garowe, tan iyo markii loo doortay xilka Madaxweynaha Soomaaliya.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.