Askar Lagu dilay weerar miino Oo ka dhacay duleedka Muqdisho.

Gaari ay saarnaayeen askar ka tirsan ciidamada dowlada somaliya ayaa qarax miino lagula eegtay nawaaxiga siinka dheer ee duleedka magaalada muqdisho.

Qaraxa ayaa Waxaa ku geeriyooday sedax ka mid ah ciidamadii lasocday gaariga cabdi bilaha ah ee qaraxa lala beegsaday, halka askari kale uu soo gaaray dhaawac aad u daran.

Markii uu dhacay qaraxa miinada ka dabib ayaa Waxaa la maqlayay dhawaqa rasaasta oo ay ridayeen ciidamadii lasocday gaariga laqarxiyay iyo ciidamo kale oo meel aan ka fogeen fadhiisimo ku leh.

Qaraxaan Miino oo lala beegsaday ciidamada dowlada ayaa Waxaa uu dhacay xalay saqdii dhexe, mana jiro ilaa iyo hada saraakiisha ciidamada oo ka hadlay weerarkaas.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.