Soomaali kufsi ku eedeysan oo Maxkamad la soo taagayo

Qof soo galooti Soomaali ah ayaa lagu eedeeyay inuu isku dayay inuu kufsi kula dhaqaaqo haweeney iyada oo uu ku jirtay isbitaal ku yaal magaalada Roma ee dalka Talyaaniga, sida lagu sheegay warbixin Talaadadii soo baxday..

Alì Abdella, oo 38 jir ah, ayaa lagu eedeeyay rabshad galmo ah iyo xatooyo isagoo isku dayay inuu kufsado haweeney aan la aqoonsan oo 43 jir ah, taasi oo ka shaqeyneysay Isbitaalka Sant’Eugenio ee magaalada Rome, Abdella ayaa la sheegay inuu xaday dharka cusbitaallada cagaaran, waxa uuna galay qolka cusbitaalka ee dumarka.

Dumarka ayaana bilaabay inay qaylinayaan, iyagoo u sheegey shaqaalaha isbitaalka inay u yeeraan booliska, Abdella ayaa ku noolaa Talyaaniga shantii sano ee la soo dhaafay, wiilkan Soomaaliga ah ayaa la xiray 31-kii bishii September aynu soo dhaafnay..

Maxkamadeynta koowaad ee Abdella ayaa la qorsheeyay inay bilaabato Janaayo 10-keeda, Kooxda difaacaysa wiilkan Soomaaliga ah ayaa ku doodaya in Abdella uusan maskax ahaan taam ahayn.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.