Raysal Wasaare Khayre Oo Darajooyin Kala Duwan Ku Taxay 192 Dhalinyaro Ciidan Ah

Ra’iisul Wasaaraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali khayre ayaa ka qayb galay munaasabad loo sameeyay dufcad ka mid ah ciidanka Booliska Soomaaliyeed oo dhameystay tababar.

Ra’iisul Wasaare Khayre ayaana boggaadiyey saraakiishan cusub ee Boliiska Soomaaliyeed, waxuuna ku amaanay sida ay ugu soo hureen naftooda in ay u shaqeeyaan dalkooda, isla markaana ay ka filayaan isbadal ballaaran oo la taaban karo inay ku soo kordhin doonaan guud ahaan ammaanka dalka.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.