Xog Culus:Axmed Madoobe oo kaga digay waftiga Jubbaland ee tagay Baladxaawo inay ka horimaadaan danaha Kenya

jubaland

Magaalada Baladxaawo ee Gobolka Gedo waxaa gaaray wafti uu hoggaaminayay Wasiirka arrimaha gudaha iyo Federaalka Dowladda Soomaaliya, Waftigaan oo Baladxaawo u tagay xiisadda ka taagan xudduudda aan rasmiga ahayn ee Kenya iyo Soomaaliya ayaa waxay booqdeen goobta Ciidanka Kenya ay ka wadaan dhul ballaarsiga.

Madaxwaynaha Jubbaland Axmed Madoobe ayaa waxuu shalay khadka taleefanka kula hadlay waftiga matalaayey Jubbaland ee waheliyey kan Dowlada Federaalka soomaliya waxuuna kaga digay Madaxda Jubbaland inay ka fogaadaan hadalkasta oo ka hor imaanaya danaha Kenya iyo jubbaland waxuuna intaas ku daray inay ku qanciyaan waftiga Dowlada Soomaliya inaan wax dhiba jirin kenya aysan soo dhaafayn xuduudeeda mar dambe lana Cambaareen.

Booqashada Waftigan Baladxaawo tagay waxaa ay ka dhalatay kaddib markii Ciidamada Kenya oo taangiyo wata ay billaabeen in gudaha Baladxaawo ay dhisme sharci darro ah ka sameeyaan taas oo shacabka Degmada Baladxaawo ka horyimaadeen ayakoo ku hubaynsan dhagaxaan.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.