Puntland oo sheegtay in Shabaab ay ku soo badanayaan Deegaano ka tirsan maamulkaasi.

Alshabab

Saraakiisha amaanka ee Maamulka Puntland ayaa walaac ka muujiyay dagaalamayaal badan oo ka tirsan Shabaab kuwaas oo la sheegay in ay gaarayn deegaanada Puntland.

Saraakiishaan oo ka tirsan Sirdoonka Puntland kana gaabsaday in la adeegsado magacyadooda ayaa Idaacadda kulmiye u sheegay in ay heleen xogo dhameestirin oo muujinaya in Dagaalamayaal ka badan 150 dagaalame iyo saraakiil ay Galeyn Dhulka Buuraha ee Puntland.

Xogta la helay ayaa sheegaysa in dagaalamayaashaan ay ku biirayn Ciidamo kale oo ka tirsan Shabaab oo hore ugu sugnaa Deegaanada Puntland.

Sirdoonka Puntland ayaa sheegay  warbixinada ay heleen in ay la wadaageyn Dowladda dhexe ee Soomaaliya si loo helo Taageerada Maraykanka ee dhinaca cirka.

Laamaha amniga Puntland ayaa sheegay in shabaabka soo gaarayo deegaanada maamulkaasi ay ka soo baxsanayaan duqeymo sanadkii la soo dhaafay Maraykanka uu ka geestay Deegaanada Koofurta Soomaaliya.

Hadalka ka soo baxay Saraakiisha amaanka Puntland ayaa ku beegmaya iyadoo hore Saraakiisha amaanka Soomaaliya ee ku sugan Gobalka Hiiraan ay sheegeen in dagaalamayaal badan oo shabaab ah ay u dhaafayn dhinaca waqooyi ee Puntland

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.