Magan Construction Company Hogaanka Maal-gashiga Gedo.

magan

Iyadoo dhawaanahan ay degmada Baardheere kusoo badanayeen, kambaniyada maalgashi ee kashaqeeya, arimaha dib u dhiska deegaan, ayaa waxaa kambaniyadaas kuwa ugu firfircoon kamid ah kambaniga dhismaha ee Magan “Magan Construction Company” kaasi oo fadhigiisu yahay Degmada Baardheere ee Gobolka Gedo.

Kambaniga dhismaha ee magan ayaa waxaa didabada loo aasay sanadku markuu ahaa 2006-dii taasi oo kadhigan in uu 11sano jirsaday, wuxuuna ka shaqeeyaa arimaha dhismaha, qodista ceelasha iyo dajinta Naqshada Guryaha loo dhiso oo guryo uu dhisay ayaaba degmada kajira xilligan.

Wuxuu wadashaqeyn lasoo yeeshay Hay’ado gobolka kasoo shaqeeyey sida Hay’addaha COOPI, NABAD iyo ICRC kuwaas oo uu kala soo shaqeeyey arimaha aan kor kusoo xusay.

Kambanigani ayaa xafiisyo kuleh Degmada Baardheere ee Gobolka Gedo iyo Ismaamul wajeer ee Gobolka waqooyi bari ee dalka Kenya, walow uu guud ahaan ka hawl-galo gobol weynaha Gedo.

Wuxuu kambaniga dhisay Ceelal iyo iskuulo si Private ahne wuu u shaqeeyaa oo guryaha ayuu dhisaa, sidoo kale waa uu naqshadeeyaa oo qaab dhismeedyada guryaha iyo ceelashaba wuu dajiyaa sida uu ii xaqiijiyay maamulaha Kambaniga mudane Axmed Muxumed Maxamuud oo aan xafiiskiisa Baardheere ku booqday.

Magan Construction Company ayaa loolan adag ugu jira sidii uu guud ahaan ugu faafi lahaa deegaanada Jubbaland si hormarada uu Gedo ka hirgaliyay u gaarsiiyo Jubbaland oo idil.

Waan bogaadinayaa shaqada hufan ee uu bulshada Gobolka gedo iyo gaar ahaan tan baardheere u hayo kambaniga dhismaha ee Magan “Magan Construction Company”.

W/Q: Cali Sheekh Aadam Yuusuf “Cali Somali”.
Baardheere,Gedo Soomaaliya.

maganmagan

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.