War deg deg ah-:Qarax goor-dhaw ka dhacay magaalada Muqdisho.

deg

Ugu yaraan hal Askari ayaa ku dhintay in ka badan 3 kalane waa ay ku dhaawacmeyn kadib Qarax saakay aroortii ka dhacay wadada Warshadaha ee magaalada Muqdisho.

Qaraxa oo ahaa nuuca dhulka la giliyo ee laga hago meelaha fog ayaa la sheegay in lagu weeraray Kolanyo Gaadiid ah oo ka tirsan Ciidamada AMISOM ee Soomaaliya ka Howlgalaya.

Saraakiisha Wasaaradda Gaashaan-dhigga oo aan la hadlay ayaa ii xaqiijiyay in qaraxaan uu ku dhintay hal Askari oo ka mid ah Ciidamada Soomaaliya halka tiro kalane ay ku dhaawacmeyn, sidoo kale saarkiisha ayaa xaqiijiyay in qaraxa uu ka dhacay halkii lagu qarxiyay Gen. Goobaale oo ku dhaw Xarunta Wasaaradda gaashaan-dhigga

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.