Golaha Aqalka Sare oo ka doodaya weerarkii lagu qaaday Guriga Senator Cabdi Qaybiid.

Xildhibaanada Golaha aqalka Sare ee Soomaaliya ayaa kulan gaar ah xiligaan ku leh magaalada Muqdisho, gaar ahaan Xaruntooda waxayna ka doodayaan weerarkii lagu qaaday Guriga Cabdi Qaybdiid.

Xildhibaanada aqalka sare ayaa goor-dhaw meel mariyay Miisaaniyadda Dowladda ee sanadka 2018, waxayna kadib u fariistayn dood gaar ah oo ay kaga hadlayaan weerarkii shalay ka dhacay Guriga Senator Cabdi Qaybdiid.

Golaha aqalka sare ee Soomaaliya ayaa la filayaa in ay war ka soo saaraan kulankooda, qoraalkaasi oo ay kaga hadlayaan xaalada amaan ee Soomaaliya.

 

La soco wixii ku soo kordho

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.