Iyadoo la Fulinaaya amarkii Madaxwaynaha Soomaliya ayaa In ka Badan 40-Askari oo Loo Xiray Weerarkii Lagu Qaaday Cabdi Qeybdiid

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka oo uu Madaxwaynaha Soomaliya u xil saaray baaritaanka weerarkii lagu qaaday Hoyga sanatar Cabdi Xasan Cawaale Qeybdiid ayaa xabsiga u taxaabay ilaa iyo 40-Askari oo ka dambeeyey weerarkii lagu qaaday Guriga Sanatar Cabdi Qeybdiid.

Taliyaha ayaa sidoo kale xabsiga dhigay laba sargaal oo kale oo iyana arintaasi lala xiriirinayo, waxaana sidoo kale jira baaritaano ku soconaya saraakiil kale oo lagu tuhmayo iney ku lug lahaayeen weerarkii maanta lagu qaaday Hoyga Sanatar Cabdi Xasan Cawaale Qeybdiid.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa markii falkaasi uu dhacay ku amray durbadiiba taliyaha ciidanka Xoogga Dalka in baaritaan deg deg ah lagu sameeyo cidii weerarkaasi ka dambeysay, islamarkaana sharciga lala tiigsan doono.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.