Maxuu ku dhamaan doonaa kiiska Cabdi rahmaan Cabdi Shakuur? W/Q Cali Sheikh adam yusuf ” Cali Somali”

Arrinta cabdi rahmaan cabdi shakuur Warsame, waxay aheed mid kamid ah Arrimaha ugu hadal haynt badan Saxaafadda Iyo baraha Bulshada maalmahaan.
Waxayna Isku raacsanyihiin dhamaan dadka Ka Faallooda siyaasadda iyo sharciga in Qaabka Loo maareeyey soo qabashada Cabdi rahmaan ineey aheed Mid aan waafaqsaneen Dastuurka iyi shuruucda kale ee Dalka.

Waxaa kaloo la isku raacay in go,aanka Maxkamadda Banaadir eey ku jireen qaladaad Dhanka sharciga ah, sida in uusan raacin Qodobada. 32, 35,45 XHC, iyo in go,aankiisa uu Ku tilmaay kama danbees. Arrintaa oo Khilaafsan sharcigga.

Si guud waxaa la dhihi karaa Cabdi rahmaan Ayaa guuleestay gaarsoor ahaan iyo siyaasad Ahaanba heer koobaaad ee dacwada.
Maanta oo arbaco ah waxaa loo ballansanaa Dhagaysiga racfaanka eey qaadatay Xeer-ilaalinta. lkn Siyaasi Cabdi rahmaan ayaan Tagin maxkamadda, kalana laabtay wakaalada Qareenadiisa.
Warqad uu soo saaray Cabdi rahmaan waxuu Ku sheegay in kiiska la siyaasadeeyey, asaga Oo diiday inuu xaadiro. Warqada uu soo Saaray waxuu ku qoray arrimo uu ku duraayo Sharciyadda racfaanka. Taas oo laga yaabo Inuu isku difaaci karay haddii uu tago Maxkamadda horteeda.

In garsoorka lagu qiimeeyo hayb qabiil, qaarna Lagu kalsoonaado qaybna la diido waa arrin Dhaawac ku ah garsoorka oo liitay ewalba. Waxayna arrintaan loo fasiri karaa in laga Guuleestay Cabdi rahmaan haddii uusan Imaan muddeenta danbe ee ah 3.1.2018.

Maxay racfaan ka qaadatay Xeer ilaalinta?.

Xafiiska Xeer-ilaalinta waxuu ku doodayaa in Eey hayaan cadaymo dhamaystiran lkn Waqtigooda eey Soo bandhigi doonaan walina Aan la gaarin xilligii la keeni lahaa. waxayna Sheegeen in racfaanka eey qaateen uu ku Qotomo qaladaad dhanka sharciga ah oo uu Gasrooraha galay, sida in muddo baariseed Loo diiday, iyo qaladaadk ku jiro xukunka sida Waa kama danbees IWM.
Arrimaha lagu eedeenaayo cabdi rahmaan Waxaa kamid ah Q.184 oo ciqaabtiisu tahay dil. Waxuuna oranaa : qof kaste oo ku kaca fal Uu ku hoos geenaayo soomaaliya, ama qayb kamid ah Dowlad kale, ama ka shaqeeyo kala Furfuritaanka Dowladda soomaaliya waxaa Lagu xukumayaa dil toogasha ah.
Hadduu imaan waayo cabdi rahmaan Muddeenta danbe.
Haddii uu imaan waayo Cabdi rahmaan Muddeenta danbe waxa macquul ah ineey Socoto dacwada Asga oo maqan, waxaana ku Soconayo Xukunkii soo baxo. Haddii uu ku dhaco xukun Waxuu saameenayaa Mustaqbalkiisa Siyaasadeed ee danbe, sida Inuusan isu soo Sharixi Karin kursi siyaasadeed taas oo ka Dhalan karto xukunka.
Ugu danbeen: Soomaaliya ma gaarin xilli Arrimo siyaasadeed lala aado garsoor, waxayna arrintaa Saameen xun ku yeelaneesaa garsoorka Dalka. waxaa fiican in Hoos loo dhameeso arrima siyaasadda.
Waxaa kaloon usoo jeedin lahaa siyaasi Cabi rahmaan inuu aado sharciga, iskana difaaco Maxkamadda horteeda sidii uu horey Usameeyey, sababtoo maqnaashihiisa waxbo umma faaiideeneeso sharci ahaan.
W/Q Cali Sheikh adam yusuf ” Cali Somali”

1 Comment

  1. War sharciga ku kalsoonaada,haddiise aan sharciga iyo garsoorka lagu kalsooneyn amaba la hor istaago fulintiisa, shaqeyntiisa maxaa loo sameeyey maxaase loogu baahday.

    Qofkii daawaday ama fiirsaday markii Maxkamadda gobolka Banaadir qaadeysay dacwada loo haysto Cabdiraxmaan Cabdi shakuur, eedeysanaha waxaa dhinacyadiisa fadhiyey shaqsiyaadka ka tirsan labada gole ee baarlamaanka soomaaliya, waa su’aal weligeen ma aragteen arrin sidaa uga dhacda maxkamad gudaheeda?

    Haddana waxaa ka darran dadka dhinacyadiisa fadhiyey waxaay ahaayeen dad ay isku jifo qabiileed yihiin eedeysanaha,taas ma caadi bay kula tahay.
    Garsoorihii maxkamadda wuxuu yiri rafcaan ama Appeal lagama qaadan karo, yaa awooddaas siiyey Garsooraha? Dacwo gaartay maxkamadda sare ayaanan rafcaan laga qaadan karin lehna go’aan kama denbeys ah,sidoo kale Maxkamadda Dastuuriga ah iyadana dacwadaha ay qaaddo go’aankeeda Rafcaan lagama qaadan karo.

    Marka inaad tiraahdid CC SHakuur baa ku guuleystey dacwadii hore waa arrin laheyn xog agaalnimo, iskaba daa Aqoon sharciyeed.
    Dadka misinformation ha siinina, hana ku weerinina waxaan sal iyo raad laheyn.

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.