Ciyaartoyda Puntland dhamaantood ayaa lagu soo dhaweeyay Garowe Meesha kuwa Jubbaland qaarkood looga soo tagay Muqdisho

puntland

Ciyaar yahanada Xulka kubada Cagta Puntland uga qay galaayey ciyaaraha maamul Goboleedyada ee lagu soo gaba gabeeyey Magaalada Muqdisho ayaa waxaa lagu soo dhaweeyey Garoonka diyaaradaha Magaalada Garoowe Dhamaantood.

Soo dhaweynta xulka Ciyaartooyda Puntland ayaa waxaa ka qayb qaatay Madaxwaynae ku xigeenka Jubbaland, Golaha wasiirada iyo qaybaha Bulshada Garoowe, waxaana looga mahad celiyey ciyaartoyda Puntaland ciyaar wanaga ay muujiyeen.

Koobkii Ciyaaraha maamul goboleedyada ayaa waxaa guusha ku raacday Ciyaartooyda Jubbaland kuwaas oo markay kunoqonayeen Magaalada kismaayo ciyaartooydii uGu firfircoonayd oo katamid gobolka Gedo looga tagay magaalada Muqdisho iyakoo loola dhaqmay si xun.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.