Madaxweyne Farmaajo oo Saraakiisha Ciidamada ugu digay in Askar loo adeegsado Qaab u abaabulan Qabiil

Madaxweynaha Soomaaliya  Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa sheegay in qaabka loo marayo dhismaha Ciidamada xoogga dalka Soomaaliya aysan noqon hab qabiil,maadaama dhibaato fara badan lagala kulmay.

Sidoo kale Waxa uu shegay in qabiilka uu na gaarsiiyay meesha aan hadda joogno oo ah burbur,waxa uuna ka codsaday in aan Ciidamada Qaranka lagu mashquulin in ay qabiil u adeegaan.

Saraakiisha ciidamada xoogga dalka ayuu uga digay in ay Ciidamada kula dhaqman hab qabiil,taas oo meesha ka saareysa tayada Ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed ay leeyihiin.

Hadalkan ayuu Madaxweynaha ka Shagaay kadib markii uu ka qeyb galay Askar ka mid noqonaya Ciidamada Xoogga Soomaaliya oo Tababar loogu soo xiray Saldhiga turkiga uu ku leeyahay Magaalada MUqdisho

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.