Faahfaahino ka soo baxaya weerar xalay lagu qaaday Wasaarada Gaashaandhiga Soomaaliya

Warar dheeraad ah ayaa waxaa ay ka soo baxayaan weerar xalay  lagu qaaday Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya ee Magaalada Muqdisho iyadoona dagaalka uu u dhaxeeyay Ciidamada difaaca hore ee Wasaaradda iyo kooxaha weerarka soo qaaday .

Dadka degaanka  ayaa sheegay in Ciidamada weerarka ku qaaday Wasaaradda aysan u dhawaan ,balse ay is qabteen Ciidamo ilaalada Wasaaradda oo xaafadaha dhexdooda difaac uga jira.

Sidoo kale Ciidamo ka baxay Wasaaradda ayaa ku biiray intii ay socotay is rasaaseynta waxaana markii dambe Ciidamada ay muddo joogeen aaggii lagu dagaallamay,balse lama oga khasaaraha ka dhashay weerarkaasi.

Ma jiraan ilaa iyo hada wax war ah oo ka soo baxay wasaarada gaashaandhiga Soomaaliya,kaasi oo ku aadan in Faahfaahin ay ka bixiyaan Weerarkaasi.

Magaalada Muqdisho ayaa mudooyinkii dambeeyay waxaa ka dhacayay weerar toos ah oo lagu qaadayao Xarumaha Ay Maamusho Dowalda Federaalka Soomaaliya

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.