Madaxweynaha Somaliya oo Ciidanka amray in ay dagaal isu diyaariyaan

Madaxweynaha Dowladda Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo ayaa ugu baaqay Ciidamada Milatariga ah ee Soomaaliya in ay isu diyaariyaan dagaal ka dhan ah Al-shabaab.
Madaxweynaha oo saraakiisha Ciidanka xoogga Dalka kula hadlayay Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya ayaa sheegay in markan Ciidanka dowladda loo baahanyahay in ay ka baxaan difaaca islamarkaana ay weerar qaadaan.
Waxaa uu yiri “waa inaan ka baxnaa difaaca oo aan annaga hujuumnaa,si iyaga ay u cararaan ama isu difaacaan,waxaan u baahannahay in aan dalka ka xoreyno”.
Madaxweyne Farmaajo ayaa sheegay in inta badan waqtigiisa uu siinayo Ciidamada Xoogga dalka sida uu yiri islamarkaana uu ka shaqeynayo sidii Ciidamada dowladda ay uga guuleysan lahaayeen Al-shabaab.
Kaddib doorashadii Madaxweyne Farmaajo ee Bishii February iyo weerarkii Soobbe ee dhacay 14kii October,waxaa uu madaxweynaha ku dhawaaqayay dagaal ka dhan ah Al-shabaab oo ay dowladda qaadeyso,waxaana ilaa hadda jirin howgal rasmi ah oo ay dowladda Soomaaliya ku dhawaaqday islamarkaana fulisay.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.