Ciidamada Itoobiya iyo Al-shabab oo ku dagaallamay duleedka Baladweyne

Ciidamo Itoobiyaan ah oo marayay degaanka Ceel Gaal ee duleedka Magaalada Baladweyne ayaa waxaa jidka u galay Ciidamo ka tirsan Al-shabaab halkaas oo uu dagaal ku dhexmaray.
Dagaalka ayaa socday muddo,waxaana Ciidamada Itoobiya ay ku hakadeen halka uu dagaalka ku qabsaday ee duleedka Baladweyne.
Xarakada Al-shabaab ayaa sheegatay in Ciidamada Itoobiya ee la weeraray  ay wateen 4 Gaari oo Uraal ah,islamarkaana mid ka mid ah Gawaaridaas ay gubeen Ciidamada Al-shabaab.
Guddoomiye ku xigeenka Gobolka Hiraan ayaa u sheegay Idaacadda Mustaqbal in Dadka degaanka ay dhaawacyo gaareen islamarkaana aysan jirin khasaare dhinaca Ciidamada Itoobiya gaaray.
Waxaa uu sheegay in Ciidamada weerarkaas uu gelinkii dambe ee shalay ku qabsaday Ceel gaal islamarkana ay dib ugu laabteen Magaalada Baladweyne isaga oo xusay in markii horeba ay howlgal u tageen degaankaas kana soo dhameysteen.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.