Shir weynaha Dhalinyadda Soomaaliyeed oo Maanta lagu Qabanayo Muqdisho

Shir weeyne looga hadlayo Arrimaha dhalinyaradda Soomaaliyeed ayaa maanta ka furmaya Magaaladda muqdisho waxaana ka qayb galaya Masuuliyiin ka tirsan Dowladda federalka ah ee Soomaaliya iyo Qaar ka mid ah Danjireyaasha Dowladaha shisheeye u jooga Soomaaliya.

Shirka ayaa waxaa ka Qayb galaya Ururadda Dhalinyadda Soomaaliyed ee ka dhisan Dalka gudihiisa iyo Dibaddiisa, waxaa la casuumay oo shirka ka qayb galaya Dhalinyaro ka kala Socda goboladda dalka, sidoo kale waxaa dalka Dibadiisa ka yimid Dhalinyaro Soomaaliyeed kuwaas oo wasaaradda Dhalinyaradda iyo ciyaaraha xukuumadda Soomaaliya ay ku casuuntay in ay shirka ka qayb galaan.

Caqabadaha ay wajahayaan Dhalinyadda Soomaaliyeed iyo kaalinta ay ka qaadan karaan Doowladnimadda Soomaaliya ayaa Shirweeynaha Maanta looga hadli doonaa, waxaana la filayaa in ay masuuliyiinta Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ay dhalinyaradda u sheegaan kaalintooda lagama maarmaanka ah ee ku aadan Horumarinta iyo Xasilinta Dalka.

Shirkaan waxaa lagu qabanayaa Xarunta Xalane ee ku Taala Garoonka Diyaaradaha ee Magaaladda Muqdisho

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.