Fanaanka Soomaaliyeed ee Max’ed Axmed Qoomaal oo lagu xiray London.

Wargeyska Daily Mail ee kasoo baxa dalka Ingiriiska ayaa qoray in maxkamad Ingiriiska ku taala ay 15 bilood oo xabsi ah ku xukuntay fanaanka caanka ah ee Soomaaliyeed la yiraahdo Max’ed Axmed Qoomaal kadiv markii lagu eedeeyay in guri uu London ku lahaa uu kiraystay Soomaaliyana iska soo aaday.
Wargeyska waxaa uu sheegay  in fanaanka Max’ed Axmed Qoomaal uu muddo 2 sanno ka badan Soomaaliya joogay asagoo iska qaadanayay lacagta cawinaada loo siiyo ee ceyrta loo yaqaan sidoo kale iska kiraystay guri dawlada Ingiriisku siisay.
Sidoo kale warkaan waxaa lagu sheegay in fanaanku qaatay ;acag dhan  39 kun oo lacagta Ingiriiska ah taasoo kaga timid gurigii ay siisay xukuumadda Britain oo uu kiraystay sida warka ku qoran .
Dacwad oogayaasha waxay ku eedeeyeen inuu ka been sheegay safarkii uu Soomaaliya  kusoo aaday isagoo khiyaameeyay waaxda socdaalka ee Ingiriiska.
Wargeyska aanu xiganayno ee Daily Mail ayaa baahiyay in fanaan Qoomaal qirtay inuu ku guul daraystay inuu  shaaciyo sida uu u qaatay lacagta ceyrta ah ee la siiyo dadka soo galootiga ah iyo lacagta uu kirada guriga ka qaatay intii u dhaxaysay sanadihii 2013 iyo 2016.
Miss Lisa Matthews oo ka mid ah dacwad oogayaasha fanaanka kiiskaan kusoo oogay ayaa sheegtay in Qoomaal uu waqti dheer Soomaaliya iska joogay asagoo iska qaadanayay lacagta ceyrta ah iyo tan guriga uu kiraystayba.
Haweeneydaan waxay sheegtay in fanaanku markuu Ingiriiska iska dhiibayay uu hay’adaha socdaalka u sheegay in dalkiisa halis badan ka jirto haddana uu ku noolaa wax ka badan 2 sanno taasoo uu ka qariyay hay’adaha u xilsaaran.
Wargeyska kale ee The Mirror ayaa baahiyay in Mariska Van Leeuwen oo ka mid ah qareenadda fanaanka ay ku doodayaan in xaaladiisa caafimad hagaagsaneyn.
Qareenku waxay ku doodaysaa in fanaanku ka xanuunsanayo wadnaha iyo lugaha intabada sidaa darteed ay ku daadalaayaan inay wax ka badalaan xukunka ku dhacay.
Qoomaal sida oo kale waa uu beeniyay eedaha loo jeediyay sida warbaahinta Ingiriisku qorayaan.
Max’ed Axmed Qoomaal oo oo da’da Tobobaatameedyada ku jira waxaa uu ka mid yahay fanaaniinta Soomaaliyeed kuwooda ugu caansan ee heesahooda aad loo dhagaysto waxaana uu in muddo ah ku noolyahay dalka Ingiriiska oo uu dhalashadiisa haysto.

Xigasho- Daily Mail iyo The Mirror.
W/tarjumay Burhaan Diini Faarax.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.