Dhageyso:Gudoomiyaha Degmada Balanbale Jaamac Xeyle ayaa sheegay Itoobiya inay xirtay Xuduuda

Muddo kabadan todobaad waxaa xiran Xuduuda Degmada balanbale ay la wadaagto dalka ethopia iyadoona saamayn wayn ay ka dhalatay Talaabadaasi, Maamulka magaalada balanbale ayaa ku tilmaamay falkaan mid laga xumaado, iyagoona sheegay in aysan garanayn sababta xadka loo xiray.

Gudoomiyaha balanbale Jaamac Xeyle oo la hadlay shabakada Gedo times ayaa sheegay in xuduuda loo xiray tuhun ethopia ay qabto oo ah in deegaanka ay soo galeen firxadka dagaalamayaal katirsan Alshabaab.

Gudoomiyaha waxa uu hadalkiisa intaa ku daray in xuduudka laba todobaad uu xiran yahay Lana soo dhoobay Ciidamo badan oo katirsan Liyuu Boliska DDSI.

“Saamayn badan baa ka dhalatay arintaan waayo shacabka labada dhinac Kalama maarmaan, Sababta xadka loo xiray ma naqaano Laakin war suuqeed baa jira oo ah in Deegaanadaan ay soo galeen Xubno katirsan Alshabaab oo Koonfur kasoo cararay, Waana been wax shabaab ah nooma soo galin” ayuu yiri Gudoomiye Xeyle.

Mudooyinkii dambe Bulshada Gobolka waxay isla dhex marayeen in Caabudwaaq uu soo galay Cabdicasiis Abuu Muscab oo ah Afhayeenka howlgalada Alshabaab kaas oo dhalasho ahaan kasoo jeeda Deegaanka, Wallow warka Imaanshihiis aan Xaqiiq loo hayn.

Gudoomiye Xeyle ayaa qadka taleefanka ugu Waramay Wariyaha gedo times ee Gobollada dhexe Cumar Lakiman hada howlo shaqo ujoogo magaalada Boosaaso.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.